Waxaa laguu arkaa in aanad si kumeel gaadh ah u tahay bilaa shaqo hadii aad buuxiso dhamaan xaaladaha soo socda:
- Waxaa lagaa fadhiisiiyay shaqada ama waxaa lagaa yareeyay saacadaha aad shaqayso oo waxaad filanaysaa inaad kusoo noqoto shaqada cida aad u shaqayso.
- Waxa aad ku noqonaysaa shaqada laba gelin ah ama waxa aad ka shaqaysaa shaqo lacag ka badan leh xadiga gunada ee aad qaadato ee todobaadkii.
- Waa inayna u dhaxaynin wax ka badan afar todobaad todobaadka aad sida kumeel gaadhka ah uga fadhiisato shaqada iyo todobaadka aad ku noqonayso.
Hadii xaaladahani ay ku khuseeyaan, waxa aad laguu arkaa inaad si kumeel gaadh ah uga fadhido shaqada oo waxa aad buuxin kartaa shuruudaha hawsha baadi goobka shaqada adiga oo la xidhiidhaya cida aad u shaqayso. Hadii taariikhda aad ku noqonayso shaqadu ay is badasho oo ay tahay wax ka badan afar todobaad, waa inaad nala soo xidhiidhaa oo aad bilawgaa inaad si firfircoon u doon doonato shaqo oo aad soo sheegtaa shan hawlood oo baadi goob shaqo todobaadkii mar qudha. Hadii aanad nala soo xidhiidhin oo aanad noosoo sheegin taariikhda ku noqodka shaqada ama aanad u doon doonan sida shaqada loogu baahnaa, dalabkaaga waa la joojin doonaa.
Waxa aad diirada saari kartaa doon doonashada shaqada ku meel gaadhka ah ilaa inta aad ku noqonayso cida aad u shaqayso ee caadiga ah. Lagaagama baahna inaad iska duwaan geliso iMatchSkills, laakiin waxaa lagaaga baahan yahay inaad sidaa samayso hadii AAND ku noqon shaqada ama taariikhda dib ugu noqoshadu ay dib u dhacayso.
Tusaale 1:
Maalinta ugu danbaysa ee aad shaqaysay waa Abriil 9. Taariikhda aad ku noqonayso shaqadu waa Maay 11. Waxa aad tahay si kumeel gaadh ah bilaa shaqo hadii kaliya shaqada lagaaga fadhiisiiyo shaqada sadex todobaad (todobaad dhamaystiran).
Tusaalahan, LAGAAGAMA baahna inaad dalbato waxqabadka hawlaha shaqo doonka.
Tusaale 2:
Maalinta ugu danbaysa ee aad shaqaysay waxay ahayd Abriil 16. Taariikhda aad ku noqonayso shaqadu waa Maay 28 ama wax ka danbeeya Si kumeel gaadh ah UGAMA fadhidid shaqada maadaama oo lagaa fadhiisiiyay wax ka badan afar todobaad oo buuxa.
Tusaalahan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad dalbato waxqabadka hawlaha shaqo doonka.
Tusaale 3:
Maalinta ugu danbaysa ee aad shaqaysay waa Abriil 2. Julaay 21, loo shaqeeyaha ayaa sheega inaad ku noqonayso shaqada Julaay 5. Si kumeel gaadh ah UGAMA fadhidid shaqada maadaama oo lagaa fadhiisiiyay wax ka badan afar todobaad oo buuxa. Tusaalahan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad dalbato waxqabadka hawlaha shaqo doonka.
Tusaale 4:
Maalinta ugu danbaysa ee aad shaqaysay waxay ahayd Abriil 18. Cida aad u shaqaysaa waxay kuu sheegtay inaad ugu noqoto shaqada sida ugu dhakhsaha badan, laakiin ma ay xaqiijin ku noqoshada shaqada ee wakhtiga hore ama qiyaasta afarta todobaad gudaheed. Si kumeel gaadh ah UMA tihid bilaa shaqo maadaama aanay jirin taariikh aad ku noqonayso shaqadu.
Tusaalahan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad dalbato waxqabadka hawlaha shaqo doonka.