Hadii aad tahay xubin ay xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyaan ururka kala dira shaqaalaha, waxa laguu arkaa inaad si firfircoon u doon doonato shaqo marka aad la xidhiidho uruurkaaga ee aad diyaarka u noqoto in laguu diro shaqada lagu siiyo.
Hadii aad tahay shaqaale federal, shaqo la'aanta kumeel gaadhk ah ay ka timid xidhitaanka xafiisyada dawlada oo aad dilanayso inaad ku noqoto shaqada markay dhamaato xidhitaanku, waxaa dhici karta in aanad u doonan shaqo cid kale oo loo shaqeeyo. Waxaa laguu arkaa inaad si firfircoon u doon doonato shaqo hadii aad xidhiidh joogto ah la leedahay cida aad u shaqayso oo aad awoodo inaad aqbasho oo aad ka warbixiso xaalada shaqada ee cida aad u shaqayso.