Waxaa lagaaga baahan yahay inaad doon doonato shaqo oo aad aqbasho shaqada munaasabka ah. Shaqada munaasabka ahi waxay ka dhigan tahay in aad ku xisaabsanto tobobarkaaga iyo khibradaada hore, goobta, io lacagta lagu qaato in lamid ah ta aagaaga.
Badanaa dadku looga baahan yahay doontaa nooca shaqada ee ay caadiyan qaban karaan. Waxaa la socda shaqadaada caadiga ah, waxa aad sidoo kael dalban kartaa nooc kale oo shaqo ilaa inta lagaaga baahan yahay inaad u qalanto oo aad diyaar u tahay inaad aqbasho saacadaha caadiga ah iyo xadiga lacagta ee shaqadaas.
Hadii shaqada caadiga ah ee aad qabato aan la heli karin ama hadii aanad shaqadaas iminka qaban karin, waa inaad doo doonataa nooc shaqo oo kale oo aad u leedahay xirad ama khibrad.
Tusaale ahaan, hadii aad ku shaqayso xafiis socdaal ahaan oo ayna jirin fursado badan oo shaqada noocaas ah oo aagaaga ah, waa inaad sidoo kael doon doonataa noocyo kale oo shaqo ah oo ka jira aagaaga oo aad qaban karto.
Wakiil socdaal ahaan, waxa aad xirfad u leedahay inaad maamusha xafiiska, qabato balan, adeega macmiilka, ama xataa in sidoo kale laguugu xisaabtamo shaqadaadii hore. Waa in aad doonataa fursado shaqo oo kuu sahlaya inaad isticmaasho xirfadaada wakhtigan oo qaab kale ah (laakiin wax lamid ah) oo noocaas shaqada ah.
Hadii aad ka qabto walaac isbadalka ama fursadaha tobobarka, WorkSource Oregon waxay bixisaa adeegyo kala duwan, oo ay ku jiraan mihnadaha qorshaynta, aqoon si waydaarsi, iyo macluumaadka ku saabsan tobobarka iyo kaalmada dhaqaale. Waxaa sidoo kale booqan kartaa Qualityinfo.org wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shaqooyinka, mihnada, mushaharaadka, iyo macluumaadka kale ee shaqo ee aagaaga.
Hadii Waaxda Shaqadu ay go'aamiso in aad tahay 'shaqaale laxaad la',' oo ka dhigan inay u badan tahay in aanad kusoo noqon shaqada aad hore uga shaqaynaysay, waxa aad u qalmi kartaa Barnaamijka Caymiska Bilaa Shaqada (TUI). Macluumaad dheeraad ah ka oggow websaytka TUI.