Hadii aad ka maqan tahay meesha aad sida rasmiga ah u degan tahay sadex ama wax ka badan oo maalmood, waa inaad sheegtaa inaad "ka maqan tahay meesha aad sida rasmiga ah u degan tahay" hadii aad dalbanayso todobaadka aad maqan tahay - waxay doonto ha noqoto sababta aad u maqan tahayi. Tan waxaa kamid ah hadii safarkaagu uu yahay Oregon gudaheeda, ama hadii aad weli doon doonanayso shaqo inta aad maqan tahay.
Waxa aanu kaa dalban doonaa macluumaad adiga ay ku jiraan taariikhaha aad maqnayd, sababta aad uga baxday suuqa shaqada, iyo baadi goobkaaga shaqada ee todobaadka aad dalbatay. Waxa aanu naqdin doonaa macluumaadkaaga oo waxa aanu sheegi doonaa hadii aad u qalanto mudadaas. Badanaa, waa inaad doon doonato shaqo aaga aad booqatay ah, aad diyaar u yahay inaad shaqayso, oo aad diyaar u yahay inaad ka shaqayso aagaas (oo aan kaliya ahayn shaqada aad qaban karto ee ka jirta meesha aad iminka degan tahay).
Hadii aad guurto, aaga aad degan tahay iminka weeye hoygaaga rasmiga ah. Waxaa muhiim ah inaad cinwaankaaga cusboonaysiiso - waxa aad ka badali kartaa adiga oo adeegsanaya Nidaamka Dalabka Onlaynka ah.
Hadii aad ka guurtay gobolka, waa inaad iska duwaan gelisaa nidaamka iswayraarsiga shaqaalaha gobolka oo aad shaqo ka doon doonataa halkaas. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad keento cadaynta is duwaan gelinta.