Lyada oo aan la eegeynin shaqada, hadii shaqaaluhu uu diido inuu is talaalo oo uu shaqaalaha ka dhax baxo, waxa aanu eegi doonaa xaaladaha ku gedaaman kiis kasta si aanu u go'aamino gunooyinka caymiska bilaa shaqada (UI). Go'aanku waxa uu ku salaysan yahay dhamaan dhinacyada kala baxa shaqaalaha, oo waxaa kamid ah diidmada iyo sidoo kale wax ka badalka ay heli karaan shaqaaluhu.
Xaalada qof kastaa way ka gedisan tahay, oo u qalanka gunooyinka UI waxaa loo go'aamiyaa kiis-kiis. Qaabka kaliya ee loo xaqiijin karaa waxaa weeye hadii aad u qalanto gunooyinku waa inaad DALBATO. Ma jirto jawaab kaligeed isku wada koobsata. Laakiin, guud ahaan, hadii loo shaqeeye uu leeyahay siyaasad waajibinaysa talaalka COVID-19, oo aanad diyaar u ahayn inaad is talaasho ama aad isticmaasho badbaado macquul ah hadii loo shaqeeyuhu ogol yahay, dalabkaaga waa la diidayaa.
Dalabkaaga sidoo kale waa la diidayaa hadii aad diido shaqo kugu haboon maadaama oo cida aad u shaqaynaysaa ay kugu waajibisay inaad is talaasho ama qaab kale oo aad iskaga ilaalinayso COVID-19, sida inaad onleyn ku shaqayso ama inaad xidhato waji gashad.
Waxyaabaha qaar ayaa laga soo reebaa. Laguuma diidayo gunooyinka maadaama oo aad diiday talaalka hadii ay jiraan sababo diimeed, aanad caafimaad ahaan u qaadan karin talaalka, ama hadii ay jiraan heshiis wadateed ama sharci kaa dhaafaya shuruudaha talaalka.
Waxa aanu si dhaw ula soconaa shuruucda la cusboonaysiinayo, go'aamada maxkamada, ama tilmaamaha federalka ee khuseeya arrimahan sida degdega ah isku soo taraya.