Shuruucda federalka iyo Gobolku waxay u baahan yihiin in aanu eegno hadii mushaharka shaqaalaha waxbarshada loo adeegsan karo in lagu xisaabiyo gunada todobaadkii ee todobaadyada la dalbanayo mudada fasaxa ee caadiga ah ee sanadaha u dhaxeeya, seemistarka ama mudooyinka. Tani waxay keeni kartaa joojin gunooyinka ah inta aanu wadno qiimaynta xaaladaada shaqo.
Shaqaalaha dugsiga qaar ayaa u qalmi kara inta lagu jiro mudada fasaxa, oo sida kale aad ugu qalanto, oo waxaa dhici karta inayna la kulmin dib u dhac mushaharka la qiimaynayo. Shaqooyinkan waxaa kamid ah shaqooyinka dayactirka iyo nafaada, diyaarinta cuntada iyo shaqaalaha adeegyada, iyo shaqaalaha taageerada waxka qabadka hore iyo xanaanada caruurta kahor.
Shaqaalaha kale ee waxbarashad ee haysta kalsooni macquul ah inay dib u bilaabi doonaan shaqda kadib mudada fasaxa ah waxaa dhici karta inayna dib ugu qalmin qaar ama dhamaan gunooyinka inta lagu jiro mudada fasaxa.
Nidaamku waxa uu noqon karaa mid wakhti qaata, oo inkasta oo aanu fahansanahay inaad diyaar u tahay inaad hesho gunooyinka, lagaagama baahna inaad nala soo hadasho. Buuxi oo kusoo celi Xog Uruurinta Shaqaalaha Waxbarashada sida ugu dhakhsaha badan. Waanu kulasoo xidhiidhi doonaa hadii aanu macluumaad dheeraad ah u baahano.