Hadii aanu diidno ama yarayno gunooyinkaaga, waxa aanu kuu soo diri doonaa go'aanka maamulka oo kuu sheegaya sababta diidmada. Si taxadir leh u akhri. Waxaa kamid ah macluumaadka sida aad u xarayn karto rafcaanka wakhtigiisa hadii aanad ku qancin go'aanka maamulka.
Hadi aad ku xarayn waydo go'aanka wakhtigiisa waxa ay kaa hor joogsan kartaa in la badalo go'aanka maamulka ee hore.
Hadii laguugu diiday dalabkaaga mushkilad kala qaybin shaqo darteed maadaama oo aanad dalban shaqo ama diiday shaqo, waxa aanu samayn kartaa waxyaabaha soo socda:
- In laguu diido gunooyinkaaga ilaa inta shaqaynayso oo aad heleyso ugu yaraan afar jeed xadiga gunada todobaadkii ee shaqada aad xaqa u leedahay (la daboolay). Shaqada waa in la sameeyo kadib todobaadka lagaa eryay, hakiyay, aad joojisay ama aad diiday inaad aqbasho ama dalbato shaqo; IYO
- Yarayso xadiga gunadaada ugu badan sideed jeer xadiga gunadaada todobaadkii.
Hadii gunooyinkaaga loo diiday sababo kale, sida gaftay fursad shaqo, lagu xidhay, xanuun, iwm., diidmada ugu danbaysa ee mudada lagu sheegey go'aanka maamulka ama ilaa inta xaalada keentay diidmadu ay meesha ka baxayso.
Hadii lagu siiyay gunooyinka oo kadibna laguu soo diray diidmo, markaa lacag dheeraad ah ayaad qaadatay ayay ka dhigan tahay. Waxa aad heli doontaa tilmaamaha sida aad u gudayso lacagta. Waa masuuliyad ku saaran inaad gudo wixii lacag ah ee dheeraad ah ee lagu siiyay, taas oo ay kamid noqon karto ganaaxyada la xidhiidha, kharashaadka iyo rabida.
Hadi aanad ku qancin go'aanka diidmada ah ee dalabkaaga, waxa aad dalban kartaa rafcaan.