Waxaa jira sababo badan oo dalabkaaga loo joojin karo. Waa kuwan liis sababo kala duwan oo dalabkaaga aanu looga shaqaynin gunooyinkaaga:
- Waxa aad ka booday todobaad gunooyinkaaga ah oo waa inaad dib u bilawdo dalabkaaga.
- Dakhligaaga todobaadkii waxaa weeye xadiga gunadaada todobaadkii ama wax ka badan. Tani waxay u baahan tahay in aad dib u bilawdo dalabkaaga si aad gunada usii wadato.
- Waxa aanu naqdinaynaa dalabkaaga si aanu u ogaano hadii aad buuxisay shuruudaha u qalanka. Waxaa nagu waajib ah in aanu buuxino nidaamka habaynta ee dhamaan mushkiladaha dalabka iman kara sida in:
- Aanad u shaqaynin sabab kale oo aan ahayn in lagaa eryay shaqada maadaama oo aad shaqayn wayday
- Aanad awoodin inaad shaqayso labada gelinba
- Aanad diyar u ahayn inaad shaqayso labada gelinba ama maalintii iyo saacadaha caadiga ah ee nooca shaqadaada
- Inaad ka maqnaato shaqo ama aad diido
- Aad socdaalaysay
- Aanad u doon doonan shaqada sidii lagaaga baahnaa
- Inaad buuxin duwaan gelinta shaqo doon doonaha ama shuruudaha xaqiijinta aqoonsiga
- Aanad na siinin dhamaan macluumaadka aanu kaa dalbanay
Marka aanu ogaano mushkilada keentay in su'aal ka timaado inuu uu qof heli karo gunooyinka, waxa sharcigu nagu waajibinayaa in aanu eegno. Inkasta oo mushkilad badan ay dhakhso loogu xalin karo su'aalaha daba socodka, marara badan waxa ay u baahan tahay in si wanaagsan loogu naqdiyo nidaamka habeeyaha. Inta lagu jiro nidaamka habeeyaha, waxa aanu kaa uruurin doonaa macluumaad adiga iyo ilmo kale sida loogu baahdo. Hadii mushkiladu ay la xidhiidho shaqadaadii ugu danbaysay, waxa aanu caadiyan macluumaadka ka raadin doonaa cida aad u shaqaysay sidoo kale. Waxa aanu kadibna naqdin doonaa macluumaad, ku dabiqi doonaa shuruucda iyo qawaaniinta caymiska bilaa shaqada xaaladaada, oo kadibna waxa aanu go'aan kasoo saari doonaa mushkilada.
Hadii aanu ogaano in aad u qalanto, waxa aanu ku siin doonaa lacagta dhamaan todobaadada aad u qalanto ee aad dalbatay. Iyada oo ku xidhan mushkilada, waxa aanu soo saari karnaa go'aan diidmo ah ama waxa aanu yarayn karnaa gunooyinkaaga todobaad kaliya, todobaadyo la is raaciyay, ama waxa aanu sii wadi karnaa mudo aan la cayimin. Go'aanka maamulka ee laguu soo saaray ayaa sharixi doonaa hadii gunooyinka laguu diiday ama la yareeyay, oo waxay muujin doonaan mudada diidmada ama yaraynta.
Hadii aad su'aal ka qabto dalabkaaga, qaabka ugu dhakhsaha badan ee aad ku heli karto kaalmadu waa foomkeena onleynka ah ee Nala Soo Xidhiidh. Waxaad sidoo kale kala hadli kartaa Xarunta La Xidhiidhka UI 877-345-3484.