1099G waxaa weeye foomka cashuurta ee loo diro dadka qaata gunooyinka caymiska bilaa shaqada. Waxa aad adeegsadataa marka aad xaraynayso cashuurta federalka iyo gobolka Adeega Dakhliga Gudaha (IRS) iyo Waaxda Dakhliga Oregon. Janaayo sanad kasta, waxa aanu kuusoo dirnaa foomka 1099G ee gunooyinka sanadkii ka horeeyay iyo haynta cashuurta. Hadii aanu boosta kugu soo gaadhin 1099G, waxa aad la heli karnaa Nidaamka Dalabka Onleynka ah laga bilaabo Febraayo.
Waxaa jira laba sababood oo aanad u helin 1099G:
- Waxa aanu u dirnaa 1099G cinwaanka aanu ka hayno qof kasta oo qaata gunooyinka bilaa shaqada. Hadii aanu guurto oo aanad gelin cinwaanka cusub, 1099G kaaga waxaa loo dirayaa cinwaankii hore.
- Hadii dhamaan lacagtaada gunooyinka la bixiyay kadib Diseember 31, ma heli doontid 1099G cashuurta sanadka hore. Laakiin, waxa aad heli doontaa 1099G sanadka xiga.
Foomka 1099G waxa uu ka warbixiyaa wadarta xadliga gunada bilaa shaqada ee aad heshey, e maaha xadiga rasmiga ah. Marka aad ka jarto cashuurta dakhliga federalka iyo gobolka xadigaaga 1099G, waa inay lamid noqotaa waxa aad heshey ee rasmiga ah.