Marka aad aragto in dalabkaaga laga shaqeeyay kama dhigna in aad u qalanto gunooyinkaaga. Waxaa jiri kara mushkilado lagu hakiyo lacagtaada. Qaabka ugu wanaagsan ee aad u eegi karto dalabkaaga in laga shaqeeyay ama hadii lacagtaada laguu soo diray waa adiga oo booqanaya Nidaamka Dalabka Onlaynka ah ee OED. Hadii aad aragto dalabkaagii in laga shaqeeyay, eeg maalinta xigta si aad u aragto in lacagtii laguu soo diray. Hadii lacagta aan lasoo dirin, waxa aad sugtaa wargelin anaka naga timaada oo kuu sheegeysa sababta kahor aanad nala soo xidhiidhin. Wargelintu waxay kuu sheegeysaa sababta dalabkaaga todobaadkii aan loo bixin iyo hadii macluumaad dheeraad ah loo baahan yahay.