Ikhtiyaarada Qaabka Lacag Bixinta
Waxa aanu kugu dhiirigelinayanaa inaad isku duwaan geliso ugu shubida lacagta tooska ah sida ugu dhakhsaha badan marka dalabkaaga laga shaqeeyo. Isticmaal nidaamkeena dalabka onleynka ah ama buuxi foomka oo kusoo celi warqada kaydka ama jeegaga la iska ilaaliyo. Waxa aad u baahanaysaa lambarka CID-gaaga (Aqoonsiga Macmiilka), lambarka xisaabtaada bangiga, iyo lambarkaaga bangiga ee joogtada ah. CID-gaagu waxaa weeye tiro 11-god ah oo adiga kuu gaar ah. Waxa aad ka heli kartaa tiradan dhamaan waraaqaha aanu kuusoo dirnay. Hadii aanad garanaynin lambarkaaga, u soo qaado aqoonsi sawir leh xaruntaada WorkSource Oregon si laguugu daabaco. Booqo bogeena WorkSource Oregon wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan goobaha xafiiskeena.
Marka aad isku duwaan geliso ugu shubida tooska ah, waxa aanu xaqiijin doonaa macluumaadkaaga xisaabta inay saxan tahay si aad u hesho lacagta. Wakhtigaas, waxa aanu ku siin doonaa gunooyinka oo jeeg daabacan ah. Marka aanu xaqiijino, lacagta toos ayaa laguugu shubi doonaa xisaabta. Waxa aad isku duwaan gelin kartaa in si toos ah laguugu shubo wakhti kasta oo dalabkaaga ah.
Hadii aanad isku duwaan gelin ku shubida tooska ah kahro inta aanaan soo dirin lacagtaada kowaad, lacagta kowaad waxaa ku qaadan doontaa jeeg daabacan, oo waxa aad kuu wareejin doontaa xisaabta kaydka ReliaCard Visa. Kaadhkan waxa uu kusoo gaadhi doonaa ilaa 10 maalmood kadib marka aad qaadato jeega kowaad. Waxa uu ku jiraa bushqad ay ku qoran tahay cinwaanka lagaga soo jawaabo oo ah Indianapolis, Indiana, markaa si taxadir leh ula soco. Ma dalban kartid jeeg daabcan ikhtiyaar ahaan lacag qaadasho.
Xisaabaadka Bangiga ee La Xidhay ama ReliaCard
Waxa aanu la soconaa in hay'adaha maaliyadeed qaar ay ka xidhi karaan xisaabaadka bangiga dad kadib marka loogu shubo gunooyinka bilaa shaqada. Bangiyada yaar waxay leeyihiin talooyinka amaan oo ay kaga ilaaliyaan macaamiishooda khiyaanada marka looga shakiyo hawl. Ma jirto waxay qaban kartaa Waaxda Shaqaalaha Oregon oo ay ku dhaafi karto nidaamka amaanka bangi. Waxa aanu ku talinaynaa in lala xidhiidho bangiga oo la raaco tilmaamaha lagu furayo xisaabtaada.