Calaamadaha: ,
Gunada bilaas haqada ee la heley sanadka waxaa loo arkaa dakhli la cashuuro. Waxa aad dooran kartaa in lagaa reebo 10% xadiga gunadaada todobaadkii cashuurta dakhliga federalka ama 6% in lagaaga reebo cashuurta dakhliga gobolka, ama labada oo isugayn ah 16% in lagaa reebo. Dhamaan cashuurta lagaa reebo waxaa markaba loo gudbin doonaa Adeegyada Dakhliga Gudaha iyo Waaxda Oregon ee Dakhliga.
Badalka xaaladaada cashuurta kadib marka la xareeyo dalabka hore waxay kaaga baahan tahay inaad buuxiso foomka Ogolaanshaha Haynta Cashuurta (1040WH). Hadii aanad lasoo degi karin foomka onleynka ah, la hadal Xarunta La Xidhiidhka UI 877-345-3484 si laguugu soo diro.