Qaabka kaliya ee aad u ogaan kartaa si la hubo waxaa weeye hadii aad u qalanta dalab ay tahay inaad xarayso arji cusub, loo yaqaan dalabka hore. Qabo Nidaamka Dalabka Onleynka ah si aad u xarayso dalabka hore. Waxa aad sidoo kale kala hadli kartaa Xarunta La Xidhiidhka UI 877-345-3484 oo dooro ikhtiyaarka xaraynta faylka dalabka cusub. Hadii aad ku dalban kari waydo si onleyn ah ama taleefanka, waxa aad nagula soo xidhiidhi kartaa halkan. Waxa aanu bixinaa adeegyada luuqada oo bilaash ah.
Dalabkaagu waxa uu ansaxayaa todobaadka aad dalbato, markaa xaqiiji inaad xarayso dalabkaaga inta lagu jiro todobaadka aad doonayso inaad bilawdo. Todobaadku waa Axada ilaa Sabtida.
Marka aad dalbato, u diyaar ahaw inaad bixiso waxyaabaha soo socda:
- Magaca
- Macluumaadka xidhiidhka
- Lambarka Sooshiyaal Sikiyuuritig
- Taariikhda dhalashada
- Buuxi taariikhda shaqaalaha ee 18 bilood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto shaqooyinka kumeel gaadhka ah ama gelinka ah, ka shaqaynta meel ka baxsan Oregon, ama u shaqaynta dawlada federalka.
Marka aad soo gudbiso dalab, ma badali kartid arjigaaga. Waxaa muhiim ah inaad geliso dhamaan macluumaadka si buuxda oo aad si saxdo marka aad xaraynayso arjigaaga. Gelinta macluumaad aan dhamaystirnayn ama khaldan waxay dib u dhigi kartaa gunooyinkaaga.
Hadii aad muujiso inaad ka heshey mushahar dhawr gobol sanadka aas aasiga ah, waxa aad dooran kartaa gobolka aad ka xaraynayso dalabkaaga kowaad, iyada oo aan la eegeynin meesha aad degan tahay. Waxa aad heli doontaa macluumaad ku saabsan doorashooyinkaaga marka aad dalabkaaga laga shaqaynayo.
Arjiyada dalabyada cusub ee hore ee aanu ku helnay elektoroonig ahaan waxaa lagaga shaqeeyaa mudo todobaad ah.
Waxa aanu kuusoo diri doonaa macluumaadka muhiimka ah kadib marka aanu ka shaqayni arjiga dalabkaaga hore. Waa inaad akhridaa Buuga Dalabka iyo wixii macluumaad ah ee aanu kuusoo dirno, maadaama oo ay ku jiraan Mushaharkaaga iyo Warbixinta Gunada Mustaqbalka iyo talaabooyinka xiga ee aad u baahan tahay inaad qaado si aad ugu qalanto dalab.