U qalanka caymiska bilaa shaqada ah waxa uu leeyahay laba qaybood oo waawayn. Ka kowaad, waa inaad leedahay shaqo kugu filan iyo dakhli sanadkaaga rasmiga ah si aad u awoodo inaad xaqiijiso dalabkaaga ee xadiga gunada todobaad ee aad heleyso.
Sanadkaaga aas aaska ahi waxaa weeye caadiyan 12-bilood mudo ah oo soo dhax yaal mudo 18 bilood oo hore ah. Sanadka aas aaska ah, waa inaad u shaqaysay loo shaqeeye caymis leh ugu yaraan 500 oo saacadood ama aad heshey ugu yaraan $1,000.
Gunooyinkaaga todobaadku waxaa weeye 1.25% wadarta aas aaska ah ee dakhliga isugaynta ah ee sanadkii. Sida uu dhigayo sharciga Oregon, kama yaraan doonto xadiga ugu yaran ama kama badnaan doonto xadiga ugu badan ee aad heli karto.
Kadib, waa inaad buuxisaa shuruudo u qalan oo todobaadkii ah si aad u hesho gunooyinka dalabkaaga. Waxa aanu eegnay sababta aad bilaa shaqada u tahay ama aanad u shaqaynaynin labada gelinba. Waxa aanu xaqiijinay hadii aad awoodo inaad shaqayso, diyaar u tahay shaqada, oo aad si firfircoon u doon doonayso shaqo. Iyo ugu danbayn, waa inaad eegtaa aas aasiyaadka shaqadaada todobaadkii iyo dakhligaaga, hadii ay jiraan.
Dalabka saxda ah waxa uu shaqeeyaa 52 todobaad kahor inta aanu dhicin oo waxaa lagu siin karaa ilaa 26 todobaad gunooyin ah markiiba. Marka uu dhaco, waa inaad xaraysaa arji cusub si aad u aragti hadii aad u qalanto gunooyinka.
Hadii aanu dalabku dhicin laakiin aad isticmaashay dhamaan gunooyinka aad heli karto, ma xarayn kartid dalabkaaga Oregon ilaa inta uu dhacayo. Hadii aanad ka shaqaynin gobol kale 18 bilood ee lasoo dhaafay, waxa aad u qalmi kartaa inaad xarayso arji dalab ucsub oo gobolkaas ah. La xidhiidh gobolka kale ee aad wax badan uga ogaato u qalanka iyo gunooyinka.
Si aad macluumaad badan uga ogaato sanadka aas aasiga ah iyo saacada iyo dakhliga loogu baahan yahay xaqiijinta dalabka, waa kuwan waxoogaa khayraad ah oo aad heli karto:
Akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sanadka aas aasiga ah iyo dakhliga iyo saacadaha loo baahan yahay si dalab sax ah loo sameeyo.
Ka oggow inta aad ku heli karto gunooyinka agabka onlaynka ah ee Qiimeeyaha Gunada.
Akhri Buuga Dalabka, oo ay ku jiraan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sanadka aas aasiga ah iyo dakhliga iyo saacadaha loo baahan yahay si dalab sax ah loo sameeyo.