Hadii aad ogaato ama aad ka shakido in qof uu si sharci daro ah u qaato gunooyinka caymiska bilaa shaqada ah, isla markaba nasoo gaadhsii. Foomkan lagaga warbixiyo khiyaanada waxaa lagu heli karaa Ingiriisi ama Isbaanish. Waxa aad sidoo kale nagala soo hadli kartaa
503-947-1995 ama taleefanka bilaashka ah 877-668-3204.
Waxa aanu akhrin doonaa dhamaan tilmaamaha, ku saabsan inta uu le'eg yahay macluumaadka aad bixisay. Markasta oo aad macluumaad dheeraad ah bixiso oo ku saabsan khiyaanada bilaa shaqada ee aad ka warbixiso, waxaa noo fududaanaysa baadhitaankeena.
Marka laga tago magaca shakhsiga iyo hawlaha khiyaano, faahfaahinta sida cinwaanka, da'da ama taariikhda dhalashada, iyo lambarka Sooshiyaal Sikiyuuritiga si uu nooga caawiyo in aanu garano haybta qofka ku jira duwaanadeena dalabka.
Hadii aad ka warbixinayso qof shaqeeya isaga oo sidoo kale qaata gunooyinka, waxa aad noo sheegtaa magaca iyo cinwaanka cida uu u shaqeeyo iyo mudada shakhsi uu shaqaynayay si ay nooga caawiso in aanu ogaano hawsha khiyaanada ah.
Waxa aanu ilaalin doontaa sirta macluumaadka aad na siisay, oo waxa aad dalban kartaa inay haybtaadu qarsoonaato marka aad ka warbixinayso khiyaano. Laakiin, sharciga sirta daryeed, kuuma sheegi karno natiijada wixii baadhitaan ah ee ku salaysan macluumaadka aad nasiisay. Waxa aanu kaaga mahadnaqaynaa kaalmadaada.