Dambiilayaashu waxay isticmaalaan aqoonsiyo dad oo la xaday si ay u qaataan gunoyinka si khiyaano ah gobolo badan. Khiyaanoolayaasha ka danbeeya khiyaanada UI waxa aad isticmaalaan lambarka Sooshiyaal Sikiyuuritiga iyo macluumaadka kale ee aqoonsiga ee shakhsi ahaaneed si ay u dalbadaan oo ay u helaan gunooyinka UI.
Haybtaada waa la xaday hadii:
- Aad naga hesho warqad ku saabsan dalabkaaga bilaa shaqada oo aanad xaraynin dalab.
- Aad heshey jeega gunada bilaa shaqada ah oo aanad xaraynin dalabka gunooyinka UI.
- Cida aad u shaqaysaa waxay kuu sheegeysaa inay heleen wargelino Waaxda Shaqaalaha ee aad xaraysay dalabka oo aanad xaraynin dalab.
- Hadii aad hesho foomka 1099G ee sanad cashuurteed oo aanad xaraynin dalabka gunooyinka caymiska bilaa shaqada sanadkaas. Hadii ay sidan tahay, si dhakhso ah noola soo xidhiidh. Hadii aanu xaqiijino in haybtaada la xaday, maaha inaad soo sheegto dakhligaaga 1099G.
Hadii aad u aragto inaad dhibane u tahay xatooyada haybta, kasoo warbixi sida ugu dhakhsaha badan adiga oo buuxinaya foomkan, ama adiga oo kala hadalaya Waaxda Shaqaalaha Oregon 503-947-1995 (taleefan bilaash ah 877-668-3204). Xubin kooxda ah ayaa kuula soo xidhiidhi doonta wixii ku saabsan dalabkaaga xatooyada haybtaada.
Waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa aad samaynayso hadii aad ka kulanto xatooyo hayb halkan.