Hadii aad heshey wargelinta lacagta dheeraadka ah ee lagu siiyay, waxa ay noqon kartaa in aanad gudin lacagta. Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad dalbato ka tanaasulka gudista hadii gudista lacagta oo dhan ay kugu keeneyso xaalad dhaqaale oo kale. Waxa aad dalban kartaa ka tanaasulka adiga oo buuxinaya oo gudbinaya foomka ka tanaasulka ee la socday go'aanka lacagta dheeraadka ah ee lagu siiyay.
Hadii aanad helin foomka ka tanaasulka marka aad heshey go'aankaaga, waxa aad buuxin kartaa foomka onleynka ah:
- Hadii aad qaadatay lacag dheeraad ah oo gunooyinka gobolka ah - kaas oo ah caymiska gunada joogtada ah - waxa aad isticmaali lahayd foomka ka tanaasulka gobolka.
- Hadii aad qaadatay lacag dheeraadka ah oo gunooyinka federalka ah sida Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (PUA), Gunada Bilaa Shaqada Safmarka Federalka (FPUC), ama Kaalmada Mushaharka La Waayay (LWA), waa inaad isticmaasho foomka ka tanaasulka ee federalka.
Hadii aanad helin wargelin lacagta dheeraadka ah ee lagu siiyay ama aad doonayso in lagaa caawiyo sidii aad u ogaan lahayn foomka ka tanaasulka ee aad isticmaalayso, isticmaal foomkeena Nala Soo Xidhiidh ee onleynka ah ama la hadal 503-947-1995.