Marka laga tago bilaa shaqada (ama shaqo yaraanta) sababaha u qalma, ee dalabka todobaad kasta, waa inaad:
- Awoodaa inaad shaqayso.
- Diyaar u yahay inaad shaqayso.
- Aad si firfircoon u doon doonataa shaqo.
Awoodo inaad shaqayso waxay ka dhigan tahay in jidh ahaan iyo maskixiyan aad awoodo inaad shaqayso oo aad qabato shaqada aad doon doonayso. Caadiyan, waa inaad awoodaa inaad shaqayso 40 saacadood todobaadkii, in kasta oo ay jiraan waxoogaa laga soo reebo dadka aan shaqayn karin labada gelinba maadaama oo ay qabaan xanuuno, dhaawacyo ama laxaad la'aan mudo dheer ah.
Inaad diyaar u tahay, waxay ka dhigan tahay inaad diyaar u tahay inaad qabato dhamaan waxyaabaha soo socda:
- Aqbasho shaqo labada gelinba ah, gelin ah, iyo kumeel gaadh ah.
- Aad shaqayso maalinta iyo saacadaha caadiga ah ee nooca shaqada ee aad dalbanayso (waxaa jira waxyaabao laga soo reebo oo ah daryeelka ilmaha, waxbarashada onleynka ah, waxbarashada, gaadiidka, iyo daryeelka xubin qoyska ah ama qofk kale oo qoyska ka tirsan).
- Aqbalaada xadiga caadiga ah ee mushaharka ah ee shaqoyinka caadiga ah.
- Inaad ku jirto suuqa shaqada caadiga ah badanaa todobaadka.
- Inaad aqbasho fursado shaqo oo kugu haboon.
- Inaad u socdaasho masaafad macquul ah nooca shaqad ee aad doonayso. Masaafadan waxaa lagu qeexaa qaabka caadiga ah ee loo safro ee aaga aad degan tahay.
Badanaa dadka, si firfircoon u doon doonanayo shaqo ee aad la xidhiidhayso loo shaqeeye shaqaalaysiiya dadka leh khibrad, todobar, iyo xirado shaqo aad qaban karto.
Iyada oo sida kale ay kuugu sheegeen moojee iyada oo qoraal ah wakiilada Waaxda Shaqaalaha, waa inaad sii wadaa doon doonashada shaqada todobaad kasta oo aad dalbanayso gunooyinka, xataa hadii ay tahay shaqo gelin ah.
Waa inaad buuxisaa oo aad ka warbixisaa ugu yaraan shan hawlood oo shaqo raadis ah todobaad kasta oo aad dalbanayso gunooyinka.
Waxaa kugu waajib ah inaad si sax ah u dalbato wixii xaalado hore u jiray ah ee kaa horjoogsanaya inaad shaqayso, aqbasho shaqo, ama doon doonato shaqo. Waxaa kamid noqon kara safar, xanuun, dhaawac, xadhig, waxbarashado aad dhigayo, is u shaqaysasho, iyo waayitaanka daryeelka ilmaha ama gaadiidka. Waa inaad sidoo kale ka warbixisaa wixii shaqo ah ee aad diiday ama aad gaftay.