Hadii aad qaadato lacag hawlgab ah ama aad qaadan doonto gunadaada sanadku inta ay socoto, waa inaad noo sheegtaa, caadiga marka aad dalbanayso arjiga cusub. Maaha inaad ka warbixiso lacagta hawlgabka ah ee aad qaadatay ee dalabkaaga todobaadkii.
Shuruucda federalka iyo gobolku waxay nooga baahan yihiin in aanu yarayno gunooyinkaaga todobaadkii, doolar-doolar, taas oo ku salaysan xaiga gunooyinka hawlgabka ah ee aad qaadato — hadii cida aad u shaqyaso oo ku jirta dalabkaaga sanadkii ama maamulaha ururka ee gunooyinka hawlgabkaas. Marar kaas oo kale, waxa aanu u diri doonaa habeeyo qiimeeya dalabkaaga oo sheega haidi lacagta hawlgabku saamaynayso gunooyinkaaga. Hadii aanu ogaano in taasi saamaynayso gunooyinkaaga, waxa aanu markaba ku dabici doonaa dalabkaaga oo waxaanu soo saari doonaa go'aan faahfaahsan.