Todobaadka sugiga waxaa weeye todobaadka kowaad ee la dalbado dalabka todobaadkii ee la buuxiyo dhamaan shuruudaha. Kahor inta aanad bilaabin inaad hesho gunooyinka, sharciga Oregon waxa uu waajibinayaa in xarayso hal todobaad sugid dalabkiiba. Waa in aad dalbataa 'todobaadka sugida' in kasta oo aan lagu siin doonin wax lacag ah todobaadkaas.
UMA qalantid todobaadka sugida hadii wax kamid ah waxyaabaha soo socdaa ay dhan yihiin:
- Aanad buuxin dhamaan shuruudaha u qalanka.
- Aad shaqaysay labada gelinba.
- Aad heshey lacag ka badan xadiga gunadaada todobaadkii.
- Aanad wakhtigeeda ku dalban todobaadkaas.