Kaliya Julaay 27, 2021, Badhasaab Kate Brown waxa uu sharci ka dhigay Xeerka Baarlamaanka 3389, kaas oo bixiya fakaadka cashuurta mushaharka ee caymiska bilaa shaqada (UI) iyada oo laga jawaabayo safmarka COVID-19. Fakaadka waxay kaliya khusaysaa cashuurta mushaharka UI ee Oregon. Waaxda Shaqaalaha Oregon ma ogolaato cashuurta mushaharka ee kale inay dhaafto, sida Cashuurta Haynta, Cashuurta Gaadiidka Gobolka oo Dhan, Deeqda Gunada SHqqaalaha, iyo cashuuraha Kadhka Tareenka ama Tri-met.
Wixii cashuurta UI ee sanadka 2021, qorshahan waxa uu u sahlaa loo shaqeeyayaasha inay ka duwaan sadex meelood oo meel cashuurta UI ee 2021 ee ku waajiba ilaa Juun 30, 2022, iyo in la iska ilaaliyo wixii ribo iyo ganaax ah.
Qorshahan waxa uu sidoo kale na siiyaa 100% in laga dhaafo cashuurta UI 2021, taas oo ku salaysan inta xadiga cashuurta loo shaqeeyaha UI uu kordho 2020 ilaa 2021.
Loo shaqeeyayaashu waa inay buuxiyaan dhamaan shuruudaha soo socda si ay ugu qalmaan cashuurta UI ee ka gedisan oo looga dhaafo:
- Laga bilaabo Janaayo 1, 2021, la bixiyaya dhamaan kaalooyinka cashuurta UI iyo wixii waajibaad ah ayaa la xidhiidhay, oo ay ku jiraan kuwa loo arko qorshaha lacag bixinta ee uu ogolaado maamulaha Waaxda Shaqada Oregon
- Xaraynta dhamaan warbixinaha mushaharka 2021 wakhtiga ay taagan yihiin
- In la bixiyay waajibaadka dhamaan waajibaadka cashuurta 2021 ee ay soo rogeen ORS cutubka 657 kama gedisna ama lama dhaafin
Sidoo kale, qiimaynta khibrada cashuurta UI ee loo shaqeeyaha 2022 ilaa 2024 waxaa dib loo bilaabi doonaa tii ka horeysay safkarka khibrada UI ee 2020 (xadiga gunada). Xadigaaga cashuurta waxaa dhici karta inay ka duwanaato ka 2022-2024 mudada ah ee cashuurta oo loo qorsheeyay inuu is badalo; laakiin, xadigu waxa uu ku salaysnaan doonaa xadiga khibradaada kahor safmarka. Hadii aanad lahayn xadi la cashuuro oo ku salaysan khibradaada 2020, waxaa lagugu qori doonaa xadiga aas aasiga ah ee 2022 - 2024 kaas oo dhaqan geli doona sanadkii.
Waxa aad si toos ah ugu biiri doontaa hadii aad u qalanto. Ma jiro arji qorshahan fakaadka ahi. Waaxda Shaqaalaha Oregon waxa ay la xidhiidhaa loo shaqeeyaha ilaa sanad cashuureedka UI ee 2021 iyada oo la cusboonaysiinayo xaalada u qalanka ama shuruudaha.
Ka qayb galaha qaybaha kala duwan ee qorshaha fakaadka waxa uu saamayn xun ku yeelan karaa dhibcahaaga cashuurta bilaa shaqada ee federalka.
Wixii macluumaad dheeraad ah, la xidhiidhi lataliyahaaga cashuurta mushaharka ama booqo Tilmaamaha Foomka 940 (2021) ee irs.gov.