Hadii aad tahay loo shaqeeye ay ku waajibto cashuurta mushaharka caymiska loo shaqeeyaha Oregon, waxa aad xaraynaysaa warbixinta cashuurta mushaharka oo waxa aad bixinaysaa cashuurtaada mushaharka sadexda bilood. Hadii aad tahay shaqaale guri ama qoys u shaqayso, waxa aad xarayn kartaa cashuurta mushaharka sanadkii. Hadii aad sadexdii bilood xarayso, cashuurtaada waxaa la bixinayaa maalinta ugu danbaysa bisha kadib dhamaadka sadexda bilood. Tusaale ahaan, sadexda bilood ee labaad waxay ku eeg yihiin Juun 30. Warbixinaha iyo cashuuruhu waxay ku eeg yihiin Julaay 31. Hadii aad xaraynayso cashuurta sanadkii, cashuurtu waxay ku eeg tahay maalinta ugu danbaysa ee Janaayo ee sanadka xiga. Hadii maalinta ay kaaga eeg tahay ay ku beegento Sabti, Axad ama maalmaha fasaxa sharciga ah, warbixinaha iyo cashuuruhu waxay ku eeg yihiin maalinta xigta ee shaqo.
Hadii aad tahay loo shaqeeye u baahan in uu ku shubo lacag kaydka gobolka hal mar ama wax ka badan bishii, waxa aad sidoo kale raacin kartaa lacagta cashuurta caymiska bilaa shaqada ah.
Ganaaxyada iyo Ribada
- Waxaa lagugu qiimayn doonaa ganaaxa xaraynta danbe ee hadii aad qaadato warbixintaada mushaharka kadib taariikhda ay ku eeg tahay. Xadiga ganaaxu wuu is badali karaa sanadba sanadka ka danbeeya.
- Waxaa lagugu qiimayn karaa ganaax 10% ah hadii aad bixin waydo cashuurta mushaharka kadib marka ay kusoo gaadho Wargelinta Qiimaynta Cashuurta.
- Waxaa lagugu qiimayn doonaa 1.5% rubo ah bil kasta kadib marka cashuurta mushaharka ay gaadho. Ribada waxaa la bilaabi doonaa marka ay gaadho taariikhda cashuurta la bixinayo - maaha ribo uruurta, ganaaxyo ama kharashaadka sharciga. Ribada waxaa lagu qiimeeyaa hadii lacagta ay xataa maalin habsan tahay.
- Hadii aanad bixin karin xadiga wakhtigiisa la gaadhay, waxa aad samaysan kartaa qorshe bixin lacag. Si aad u samayso qorshaha bixinta lacagta, waxa aad nagala soo hadli kartaa 503-947-1368.
- Waxaa lagugu qiimayn karaa 1% oo ganaax ah oo dheeraad ah hadii aanad qaadan dhamaan lacagaha iyo warbixinaha ugu danbayn Sebteember 1 sanad kasta. Ganaaxa 1% waxa ay ku salaysan tahay mushaharkaaga la cashuuro ee sanadkii lasoo dhaafay.
Waxa aad dalbanaa lacagta oo sida soo socota u kala horeysa: kharashaadka sharciga ee kowaad (waxaa kamid ah adeega damaanad qaadida ee loo geley uruurinta daynta), kadibna ganaaxa, kadibna rabida, iyo ugu daynbayn cashuurta aan la bixin.