Marka aad samayso shirkad ganacsi ah, waxaa lagaaga baahan yahay inaad iska duwaan geliso Waaxda Shaqaalaha Oregon. Waxa aad si amaan ah iskaga duwaan gelin kartaa websaytka Duwaan Gelinta Ganacsiga Oregon. Marka aad iska duwaan geliso, waxa aad heli doontaa lambarka Aqoonsiga Ganacsi (BIN).
Waxaa kugu waajiba cashuurta mushaharka loo shaqeeye ahaan, waxa aanu kuugu soo diri doonaa boosta Foomka 11, kaas oo aad sidoo kale u baahan tahay inaad kusoo dhijiso meel ay akhriyi karaan shaqaalahaagu. Waxa aanu ku bixinaa foomkan Ingiriisi iyo Isbaanish.
Loo shaqeeye ahaan, waxaa lagaa filanayaa:
- Inaad hayso duwaanada mushaharka oo wax ku ool ah, oo ay ku jiraan waxyaabaha soo socdaayi:
- Lamarada Sooshiyaal Sikiyuuritiga ee loo shaqeeye kasta.
- Cadaynta muwaadinimada Maraykanka ama ogolaanshaha ka shaqaynta Maraykanka ee dhamaan shaqaalaha.
- Duwaanada mushaharka ee goorta iyo inta aad siiso mushahar shaqaale kasta.
- Cashuurta mushaharka ama gudista waxa ay kaa gaadho.
- Xaraynta warbixinaha sadexda bilood ama foomamka cashuuraha wakhtigooda ayaa loo baahan yahay oo wata macluumaadka dhamaystiran.
- Loo shaqeeyayaasha waxaa looga baahan yahay inay xareeyaan Warbixinta Cashuurta Sadexda Bilood ee Oregon (Foomka OQ) ee sadexdii biloodba.
- Shaqaalaha guryaha (kuwa ka shaqeeya shaqeeyinka guriga dhaxdiisa) waxay dooran karaan inay xareeyaan sanadkii iyaga oo isticmaalaya Warbixinta Cashuurta Sanadkii ee Oregon (Foomka OA).
Si aad macluumaad badan uga ogaato qaababka caymiska bilaa shaqada ee mulkiilayaasha ganacsiyada, booqo websaytkeena Loo Shaqeeyayaasha ama nagala soo hadal 503-947-1488.