Waa in aanad kaga warbixisaa dhamaan dakhligaaga todobaad kasta dalabkaaga. Waxa aad heli kartaa sadex meelood oo meel xadiga gunada todobaadkii (WBA) ama 10 jeer wax ka yar mushaharka ugu yar ee ugu badan Oregon, kolba ka badan, kahor inta aanad doolar-doolar loo yarayn gunooyinkaaga.
Si aad u hesho gunooyinka, waa inaad, diyaar u tahay, oo aad si firfircoon u doon doonataa shaqada todobaadkii ee faylka aad dalbanayso. Waa inaad sidoo kale dhamaystirtaa hawlaha baadhitaanka shaqada todobaad kasta si aad u hesho gunooyinka.
Waa inaad si sax ah uga soo warbixisaa dakhligaaga. Xataa khaladka aan loo kasin ayaa keeni kara in lacag dheeraad ah lagugu siiyo dalabkaaga oo keeni kara inaad gudo. Hadii aad qariso macluumaad ama aad soo sheegto macluumaad khaldan adiga oo u kasaya, markaa waa khiyaano. KHIYAANADU WAA DANBI oo waxay keeni kartaa ganaax oo waxaa kamid ah ciqaab danbi.
Hadii aad xaraynayso gunooyinkaaga caymiska bilaa shaqada ah oo aad shaqayso wax ka yar labada gelinba, waxa aad u qalmi kartaa gunooyinka - ilaa inta aad heleyso wax ka yar xadiga gunada ee todobaadkii aad xaq u leedahay. Waa inaad ka warbixisaa wadarta saacadaha iyo isugayn dakhliga todobaadkii aad shaqaysay, xataa hadii aanad weli qaadan mushaharka. Todobaadku waa inta u dhaxaysa Axada ilaa Sabtida.
Noocyo kale oo lacag ah oo ay tahay in laga warbixiyo waxaa kamid ah fasaxa mushaharka leh, tilmaamo, khidmado, dakhliga is u shaqaysiga, iyo bakhshiis. Nagala soo xidhiidh halkan ama kala soo hadal UI center 1-877-345-3484 wixii su'aalo ah ee ku saabsan ka warbixinta dakhligaaga ama tilmaamaha looga warbixiyo lacagta, khidmada, iyo dakhliga is u shaqaysiga.