iMatchSkills waxaa weeye nidaam is waydaarsi shaqo oo onleyn ah oo Oregon. Waxa uu bixiyaa kaydka ugu wayn ee gobolka ee shahaadooyin, musharixiinta shaqada u diyaarka ah. Marka dadka shaqada doonayaa iska duwaan geliyaan oo ay geliyaan xirfadahooda iyo shaqada ay doonayaan iMatchSkills, waxaa lagu xidhi karaa shaqooyinka banaan.
Loo shaqeeyayaasha ayaa sidoo kale ka faa'ida iMatchSkills maadaama oo ay heleyaan kayd dad shaqo doonaya oo xirfadlayaal ah si ay u buuxiyaan shaqooyinka u banaan. Booqo iMatchSkills ama la hadal xarunta WorkSource Oregon si aad isku duwaan geliso.
Hadii aad u baahan tahay inaad badasho baaswoodhka iMatchSkills, waxa aad doortan kartaa "Iloobay magaca ama baaswoodhka" ee shaashada laga galayo iMatchSkills. Hadii linkiga aad isticmaalayso aanu shaqaynaynin, ama fariin khalad ah uu kusoo dirayo, la hadal xafiiska WorkSource Oregon wixii kaalmo ah.