Sharciga CARE waxaa sharci laga dhigay Maarso 27, 2020. Waxa uu abuuray barnaamijyo caymis oo bilaa shaqo oo badan oo ujeedadoodu yihiin sidii looga jawaabi lahaa dhaqaale burburka uu keeney safmarka COVID-19. Sharciga Kaalmada Sii Socota, Sharciga Caymiska Samato Bixinta Maraykanka, iyo bixinaha gaarka ee Oregon ee markii danbe la dhaqan geliyay safmarka. Hoos waxaa ku qoran guudmarka barnaamijyada kumeel gaadhka ah iyo isbadalada kuwaas darteed:
Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (PUA)
- PUA waxaa loogu talo geley shakhsiyaadka is u shaqaysta, shaqaalaha qandaraaslayaasha iuyo shaqaalaha kale ee aan u qalmin gunooyinka caymiska bilaa shaqada ee caadiga ah.
- Laga bilaabo Febraayo 2, 2020, ilaa Sebteember 4, 2021
- Hadii aad qabto su'aalo ku saabsan dalabkaaga PUA, nagala soo xidhiidh (oregon.gov) ama kala hadal xarunta PUA 503-370-5400.
Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ah ee Safmarka (PEUC)
- PEUC waxaa weeye kordhin dalabyada caadiga ah oo bixisa ilaa 53 todobaad gunooyin ah
- Dalabyada qaar PEUC, ee u qalmay dalabyada caadiga ah ee cusub oo leh xadiga gunada todobaadkii oo hooseysa, waxay noqon karaan kuwo sareeya dalabka PUEC (tixraaca dalabka)
- Laga bilaabo Maarso 29, 2020, ilaa Sebteember 4, 2021
Kordhinta Gunooyinka (EB)
- EB waxaa weeye kordhinta dalabaadka caadiga ah ee la bixiyo hadii qofku aanu u qalmin PEUC.
- EB waxa uu bixiyaa 20 todobaad oo dheeraad ah gunooyin ah
- Tirada todobaadyada EB ee la heli karaa waxay ku xidhan tahay xadiga bilaa shaqada Oregon
- EB-ga caadiga ah waxaa la bixiyaa ilaa 13 todobaad
- EB-ga sare (HEB) waxaa la bixiyaa todoba todobaad oo dheeraad ah oo waxa uu ku eekaa Diseember 12, 2020
- EB waxaa laga heli jiray Oregon intii u dhaxaysay Juun 28, 2020 ilaa Febraayo 20, 2021
- EB waxaa loo sameeyaa si gaar ah oo gobol kasta oo waxay ku salaysan tahay xadiga bilaa shaqada
Gunada Bilaa Shaqada Safmarka ee Federalka (FPUC)
- FPUC waxay ahayd lacag la diyaariyay oo ka dheeraad ah kuwa shakhsi ee caadiga ah ama gunooyinka todobaadkii ee PEUC.
- $600 oo dheeraad ah todobaadkii ayaa la bixyay Maarso 29, 2020 ilaa Julaay 25, 2020
- $300 oo dheeraad ah ayaa la bixiyay Diseember 27, 2020 ilaa Sebteember 4, 2021
Gunooyinka Bilaa Shaqada Dakhiga Isku Dhafan (MEUC)
- MEUC waxay ahayd lacag la diyaariyay oo ka dheeraad ah kuwa shakhsi ee caadiga ah ama gunooyinka todobaadkii ee PEUC oo u qalma W-2 iyo dakhliga is u shaqaysashada
- $100 oo dheeraad ah ayaa la bixiyay Diseember 27, 2020 ilaa Sebteember 4, 2021
Kaalmada Mushaharka Yar (LWA)
- LWA waxay ahayd lacag la diyaariyay oo ka dheeraad ah kuwa shakhsi ee caadiga ah, EB ama gunooyinka todobaadkii ee PUA.
- Dalabyada waxay leeyihiin xaqiiijin is oo ah inayna shaqaynin ama ay shaqeeyaan saacado yar COVID-19 dartiis
- $300 oo dheeraad ah ayaa la bixiyay Julaay 26, 2020 ilaa Sebteember 5, 2020
- FEMA ayaa maal gelisa barnaamijkan kumeel gaadh ah
Ka Tanaasulka Todobaadka La Sugayo
- Abriil 16, 2020, badhasaabka Oregon waxa uu ku dhawaaqay todobaadka sugitaanka in laga tanaasulayo dalabyada caymiska bilaa shaqada ee caadiga ah laga bilaabo Maarso 8, 2020, ilaa Sebteember 4, 2021
- Dalabyada PUA uma baahna sugitaan todobaad
Iska Daynta Dakhliga
- Sebteember 1, 2020, Badhasaab Brown waxa uu saxeexay Sharciga Baarlamaanka ee 1701 oo dhaqan galay Sebteember 6, 2020.
- Dalabyada dakhliga la hooseeya xadiga gunada todobaadkii iyo shaqaynta saacado ka yar 40 saacadood lagama yaraynayo shaqada gunooyinka hadii dakhligu uu ahaa $300 ama wax ka yar todobaadka dalabka.
- Maay 17, 2021, badhasaabku waxa uu saxeexay Xeerka Aqagla ee 3178, kaas oo dhaqan galaya Maarso 23, 2021, si wax looga badalo $300 oo iska dhaafida dakhliga ah ee dadka dalbaday ee shaqeeyay wax ka yar 40 saacadood iyada oo aan la eegeynin xadiyada gunooyinka todobaadkii
- Iska dhaafida dakhliga $300 ee dhamaadka Janaayo 2, 2022