Fasax mushaharka leh waa marka aad qaadanayso mushahar laakiin aanad shaqaynin. Waxaa weeye caadiyan marka cida aad u shaqaysaa ay kugu siiso mushahar wakhtiga aad fasaxa tahay, dalxiiska ku maqan tahay ama maalmaha aad xanuunsanayso. Waxay sidoo kale noqon kartaa hadii aad sugayso in "laguu yeedho" ama tahay "heegan." Hadii aad ku jirto fasax mushahar leh oo cida aad iminka ku shaqayso ah, waa inaad ka warbixisaa dakhligaas isaga oo todobaado ah ee aad ka maqan tahay shaqada - fasax, dalxiis ama hadii aad xanuunsanayso. Hadii cida aad u shaqayso ay mushahar kugu siiso in aanad soo shaqo tegin ama aad ku jirto heegan, waa inaad dakhligaagaas kaga warbixisaa todobaado isaga oo ah dalabkaaga, xataa hadii aanad qaadan lacag isla todobaadkaas.
Waa in aanad kaga warbixisaa dhamaan dakhligaaga todobaad kasta dalabkaaga. Todobaadku waa inta u dhaxaysa Axada ilaa Sabtida.
Hadii aad qaadato fasax mushahar leh oo ka badan 45 maalmood laga bilaabo maalinta aad shaqada ka fadhiisatay, kala xidhiidh UI Center halkan ama la hadal 1-877-345-3484.
Hadii aanad soo sheegin dakhliga saxda ah, waxay keeni kartaa in lacag dheeraad ah lagu siiyo oo dalabkaaga ah oo ay noqonayso inaad gudo. Hadii aad qariso macluumaad ama aad soo sheegto macluumaad khaldan adiga oo u kasaya, markaa waa khiyaano. KHIYAANADU WAA DANBI oo waxay keeni kartaa ganaax oo waxaa kamid ah ciqaab danbi.